Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda
Office of the State Attorney General, Somalia
OPM Compound, Villa Somalia
Mogadishu - Somalia
Post

Joojin Xad-gudubka iyo Bur-burin lagu haayo Dhulka Jaamacadda JUS

  • Jan. 11, 2026
  • Notice

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda, oo tixraacaya Warqadda Ref:JUS/MG/GJ/4068/2026, ee ku taariikhaysan 07/01/2026, kana soo baxay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Ujeeddadeeduna ahayd Joojin boob Dhul Jaamacadda Ummadda- qeybta Adeegga Ardayda iyo Gurlga Raktarka. Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo gudanaya waajibaadkiisa lagu xusay qod. 3aad ee Xeer Lam. 18, ee soo baxay 29 Jannaayo 1976, waxaa soo gaartay xog xaqijineysa in dad shacab ah iyo ciidamo hubeysan ay xad-gudub ku hayaan Dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) oo ku yaala Degmada Hodan, gaar ahaan qeybta Adeegga Ardayda iyo Guriga Raktarka Jaamacadda, shakhsiyaadkaas oo sifo aan sharci aheyn ku doonaya in ay kula wareegaan dhulkaas, oo cid aan JUS ahayn milkiyad sharci ah ku sheegan karin. Haddaba, Xafiiska Garyaqaanka Guud waxa uu ku war-gelinayaa dadka shacabka ah, Ciidamada kaalmeynaya iyo cid kasta ee ku howlan Ku-xad-gudubka, burburinta, qabsashada, iyo wax kasta oo wax-ka bedelaya Milkiyadda iyo Asalka Dhulka Xaruntii Adeegga Ardayda iyo Gurigii Raktarka Jaamacadda in ay ka waantoobaan, asaga oo uga digaya dadkaas in ay hantidooda iska geliyaan dhulkaas, maadaama Jaamacaddu milkiyad sharci ah ku leedahay si Waafaqsan qodobada 87 XHMS, 50aad ee Sharci Lr.17 ee Soo baxay 25/12/2019 iyo laad (Public Property) ee Xeer N.2, ee 29 December 1961 , kuna hawlan tahay sidii ay dib ugu howlgelin lahayd Adeegii dantä-guud ee loogu talo-galay sida uu qabo qod. 681 iyo 682 XMS. Sidoo kale, Xafiiska Garyaqaanku ku war-gelinayaa Masuuliyiinta Degmada Hodan, gaar ahaan Guddoomiyaha Degmada iyo Taliska Boliiska Degmada in ay xil iska saaraan Joojinta Xadgudubka lagu hayo dhulka Jaamacadda aan sare kusoo sheegnay. Sidaas darteed, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda, waxa uu Xafiisyada ay warqaddani Sida tooska ah ugu socoto ka codsanayaa in ay joojiyaan falalkaa sharci darrada ah, xadgudubka iyo bur-burinta lagu hayo Dhulka Jaamacadda- Qeybta Adeegga Ardayda iyo Guriga Raktarka Jaamacadda, kana qaadaan dadka ku howan tallaabo Sharciga Waafaqsan.