Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda
Office of the State Attorney General, Somalia
OPM Compound, Villa Somalia
Mogadishu - Somalia

Xafiiska Garyaqaan Guud Ee Dowladda

Hoos waxaad ka heli kartaa hawlaha uu qabto Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda.
1- Meesha uu kagajiro kala sarraynta Hay’adaha Dowladda
  1. Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda (Office of the State Attoreny General) waa Xafiis madax-bannaan si waafaqsan Qodobka 114 ee Dastuurka JFS, waxaana lagu dhisay Xeer Lr. 18 ee soo baxay 29 Jannaayo 1976.

2- Masuuliyadda Xafiiska
  1. Xafiiskani waxaa uu u xilsaaranyahay Masuuliyadaha soo socdo.

  2. A- Bixin Talo Sharci

    Inuu Talo-sharci ka bixiyo arrimaha laga soo waydiiyo ama looga soo jeediyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka iyo Xubnaha ama laamaha kale ee Dowladda sida ku xusan Qod. 3aad ee isla Sharciga kor ku xusan, waxaana loo la jeedaa in la hubiyo in wax qadabka Hay’adaha Dowladdu waafaqsanyahay Sharciga. Tallo bixinta hawlaha looga soo jeediyo Madaxtooyadda iyo Dhammaan Xubnaha Dawladda iyo waliba ka tala bixinta waxyaabaha uu arko in ay Sharciga waafaqsanayn ee ay ku kacaan masuuliyiinta Dawladda dhammantood iyadoo Talladda uu bixinayo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawlada ay tahay tan kama dambaysta ah ee lagu shaqanayo.

  3. B- Difaacidda Dowladda

    Inuu Ilaaliyo Xuquuqda iyo Danta Guud ee Dowladda Gaar ahaan, inuu ka difaaco Dowladda iyo laamaheeda kala duwan Maxkamadaha hortoodda, Dacwadaha kala ah:

    1. 1- Dacwadaha Madaniga.

      Mucaamalaadka Dowladdu la yeelato Shaqsiyaad ama Shirkado sida wax iibsi ama mashruuc dhismo iwm is qabadkii ka dhasho waxaa Qareen ka ah oo difaacaya Xafiiska Garyaqaanka.

    2. 2- Dacwadaha Idaariga ama Maamulka.

      Haddii Go’aanada kama dambaysta ah ee ka soo baxo madaxda Sare ee Hay’daha Dowladda, cidda ay khuseeyso ka Dacwooto waxaa difaacayo Xafiiskan.

    3. 2- Dacwadaha Shaqada.

      Haddii qof kamid ah shaqaalaha Dowladda ku dacweeyo xuquuq shaqaalanimo taasoo uu ku sheeganayo Hay’ad Dowladeed, waxaa difaaco Xafiiskan.

    4. 3- Dacwadaha Maaliyadda.

      Xafisika Garyaqaan Guud Ee Dowladda waxaa uu galaa dacwadaha la xiriira maaliyadda.

    5. 4- Dacwadaha Dibadda.

      Haddii laga dacweeyo Dowladda Soomaaliya Maxkamad Dibadda ah sidaas oo kale waxaa difaacayo Xafiiskan oo ah Qareenka Guud ee Dowladda.

  4. C- Qandaraasyada

    Diyaarinta iyo isku Duba-ridka Qandaraasyada ay bixinayso Dowalddu, ha noqdaan kuwo la galayo shaqsiyaad ama Shirkado.

  5. D- Heshiisyada

    Diyaariyaha iyo isku duba-rido Heshiisyada ay Dowladdu dhinac ka tahay, inta aan la saxiixin, Heshiisyadaa oo kala ah kuwo Caalami ah ama lala galayo Shirkado ama Shaqsiyaad gudaha ah, iyo diyaarinta iyo isku duba-ridka Heshiisayada ka dhasho Dacwadaha asagoo la tashanayo Hay’adda ay khusayso, sida ku xusan Qod. 3aad faqraddiisa 2aad ee Xeerka kor ku xusan.

  6. E- Hindise-sharciyeed

    Diyaarinta ama ka Talo bixinta Hindise-sharciyeedyada loo gudbiyo Golaha Shacabka si loo meelmariyo, iyo ka jawaabidda wixii su’aalo ah ay ka qabaan Golaha Wasiirada marka la horgeeyo si ay uga doodaan, kaddibna ansixiyaan, inta aan loo gudbin Golaha Shacabka, sida ku xusan Qod. 3aad faqraddiisa 3aad Xeerka kor ku xusan.

  7. F- Xallinta Khilaafaadka Qaanuuneed.

    Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladdu waxaa uu ka shaqeeyaa in uu dhexdhexaadin ka sameeyo khilaaf kasta oo qaanuuneed oo ka dhex dhasha xubnaha Dawladda iyadoo Talada uu bixiyaa tahay mid kama dambays ah. Haddii uu ka dhex dhasho madaxda Dowladda Khilaaf la xiriiro xagga Qaanuunka oo ku saabsan Shaqada, hantida ama wax la xiriiro Sharciga, waxaa xallinteeda u xilsaaran Xafiiskan, Sidoo kale Xafiiska Garyaqaanka Guud waxaa uu kala saaraa khilaafka Dawladda dhexdeeda ah ee ka dhasha lahaansha Dhulka Dawladda ee labo Hay’adood oo Dawlada ahi isku Dacweeyaan iyadoo aan la marayn Maxkamad balse Xafiisku u kala go’aaminayo cidda leh marka uu baarittaan dheer ku sameeyo.

  8. G- Faafinta Rasmiga ah.

    Isku duwidda iyo soo saaridda Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda, si loo gaarsiiyo Hay’adaha Dowladda iyo Dadwaynaha waxqabadka Dowladda iyo in ay ogaadaan Shuruucda ka soo baxday Dowladda, sida ku xusan Qod.3aad, faqraddiisa 4aad ee Xeerka kor ku xusan.

  9. H- Baaris-cilmiyeedka Sharciag.

    Inuu ku sameeyo Baaris Cilmi ah Sharciyada Dalka iyo Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan ku wa ay soo saaraan Ururada Dowladaha ka dhexeeyo ( International Organisation), sida ku xusan qod3aad, faqraddiisa 5aad ee Xeerka lambarkiisu kor ku xusanyahay.

  10. I- Tababar.

    Xafisika Garyaqaanka Guud Ee Dowladda waxa uu bixiyaa tababarro xagga sharciga ah oo looga faa'ideeyo qareenada iyo shaqaalaha kale ay hay'adaha dowladda.