Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda
Office of the State Attorney General, Somalia
OPM Compound, Villa Somalia
Mogadishu - Somalia
Post

Joojin Dhismo Sharci darro ah iyo ku Tagri-fal Dhul Dawladeed

  • Oct. 14, 2024
  • News

tahay MGB/DML/440/2024, ee kahor furan Maxkamadda Gobolka banaadir, kana dhaxeeya dhinacyada kale ah: Wabillaahi Towfiiq 1. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qareen: Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda LID Dacwoode 2. Bashir Cimi Cabdulle, Nabdoon Cali Daahir Diiriye, Cumar Sheekh Yuusuf Tarabi, Mahdi Khaliif Maxamed, Magaalo Faarax Xalane iyo Xuseen Cabdullaahi Faarax. Dacweysaneyaal Deuwaddaan oo ku saabsan Dhul ku yaala Degmadda Hodon, gaar ahaan Barxadda Tarabuunka, oo uu leeyahay Taliska Ciidanka Xoogga Daka Soomaaliyeed, Soodimihiisuna kala yihiin Waqooyi: Isgoyska Tarabuunka, Galbeed Waddada Wadnaha, koonfur: Jid cadde, Bari: Waddada C/qaasim, ayaa waxa ay dacweysaneyaasha oo doonaya in ay ku milkiyaan dhismooyin iyo sifo sharci dario ah ay boob iyo burburin ku hayaan dhulka san sare kusoo sheegnay. Haddaba, si Waafaqsan qodobka 87 XMS, Xeerarka (Dekareetooyinka) Madaxweynaha JFS ee 2017 iyo 2021kii, waxaa la mamnuucay in dhulalka Danta-guud lagu takri falo, sifo sharci darro ahna lagu milkiyo, cidna la sin karin, loo cabbiri karin, laga kireyn karin, ayada oo aan loo marin sifo iyo habraac Sharciga Waafaqsan. Sidaas darteed, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo oo gudanaya Waajibkisa lagu tilmaamay codobka 3aad, Faqradiisa 2aad (b) ee Xeer L.18, ee 29 jennayo 1976kii, isla markaana Tixraacaya Warqadda summaddeedu tahay H.K.Q. C/XDS/154/24, ee ku taariikheysan 26/8/2024, kans soo baxday Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ujeeddadeeduna ahayd Joojin dhismo dhul Ciidan, ayaa waxa uu ka codsanayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir si waafaqsan qodobada 293, 302 iyo 303 XHMS, in ay si deg deg ah u Joojiso Burburinta iyo Dhismooyinkaas sharci darroda ah, xayiraadna arto dhammaan dhaq-dhaqaaqa iyo ku-tagri-falka lagu hayo dhulka aan kor kusoo Ausnay.