Garyaqaanka Guud ee Dawladda Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed oo ka qayb-galay maanta Shirka Munaasabadda Daahfurka Warbixin Muuqaaleedka Dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa kaloo ka soo qayb-galay Shirka marti-sharaf kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka socday Dowlada Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Dalka, Jilaayaasha aan dowliga aheyn iyo saaxiibada caalamiga ah.