Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda, asaga oo gudanaya waajibkiisa Shaqo, Qareenna u ah Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, si waafaqsan Qodobka 3aad Faqraddiisa 2aad xarafkiisa (b) ee Xeer Lr. 18 ee soo baxay 29 Jannaayo 1976, waxaa uu halkaan Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu soo gudbinayaa codsi xayiraad dhul, si waafaqsan qodobbada 293, 294, 295 XHMS. Xayiraadaan waxay ku saabsantahay dhul la isku heysto ama dacwadi ka taalo Maxkamadda Gobolka Banaadir, taas oo ka dhexeeysa dhinacyada kala ah: 1. Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Dacwoode LID 2. Xaaji Xasan Buule Cali iyo Cabdiwaaxid Axmed Xasan (Firdhiye)...... Dacweysanayaal Dhulkaan la isku heysto waa dhul Dan-guud ah oo ay leedahay Wsaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, gaar ahaan waa halka ay ku yaaleen Bakhaaradii waaweynaa ee keydka cunta, loona yaqaanay (ADC), dhulkaas oo ku yaala Degmada Hodon, gaar ahaan Seybiyaano, dhulka Hawlaha Guud (highway) iyo dhulka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, dhulkaan oo ay hadda ka socoto burburin iyo banneyn sharci daro ah. Sida ku cad qodobka 87 Xeerka Habka Madaniga Soomaaliyeed, ma bannaana in Hantida Danta-guud lagu takri fali karin, la qabsan karin, laguna milkin karin gubasho (prescription) ama sifo kale oo sharciga khilaafsan. Hadaba, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda, waxa uu u caddaynayaa cid kasta oo ku howlan dhaq-dhaqaaqyada ka socda halkaas in dhulkaasi yahay dhul Dan-guud ah, kana furantahay dacwad Madani ah Maxkamadda Gobolka Banaadir, taas oo ku saabsan dhulkaas, cidkasta oo dood sharci ah qabto waxaa u furan in ay ka soo qeyb-gasho dacwadda furan, Maxkamadda horteedana ku soo bandhigto dooddeeda. Sidaa darteed, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda, waxa uu Maxkamadda Gobolka Banadir ka codsanayaa in la joojiyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah ee ka socda dhulka ku yaala Degmadda Hodon ee Gobolka Banaadir, cabirkiisuna yahay 200x200, soohdimihiisuna kala yihiin Bari: dhulka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeeynta, Koonfur: Waddada Afgooye, Galbeed: dhulka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Waqooyi dhul Dawladadeed.