Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda
Office of the State Attorney General, Somalia
OPM Compound, Villa Somalia
Mogadishu - Somalia
Post

Joojin Boobka Dhulka Xarunta Lafoole ee JUS.

  • July 6, 2022
  • Notice

Xafiska Garyaqaanka Guud waxa uu ku war-gelinayaa dadka shacabka ah, Ciidamada hubeysan iyo cid kasta ee ku hawlan qabsashada, Cabiridda, Deegaameynta, dhismayaasha sharci darrada ah iyo wax kasta oo waxka bedelaya Asalka dhulkaas in ay ka waantoobaan, waxaa sidoo kale Xafiisku ku war-gelinayaa Masuuliyiinta Gobolka Sh/hoose, gaar ahaan kuwa Degmada Afgooye iyo Taliska Boliiska Degmada in ay xil iska saaraan Joojinta boobka dhulkaas iyo llaalinta Guud ahaan Hantida Danta Guud gaar ahaan Dhulka Xarunta Lafoole ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.