Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda hawlahiisa shaqo waxaa ka mid ah diyaarinta iyo iskuduwidda qandaraasyadda iyo heshiisyada ay Dawladda ama xubnaheedu ay dhinac ka yihiin si waafaqsan Shaeci Lr 18 ee 29 janaayo 1976. Hadaba, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda, waxa uu caddeynayaa in heshiiska la sheegay inay wada galeen Wasaaradda Hawlaha Guud Dib u Dhiska iyo Guryaynta iyo Ayaan Hospital uusan soo marin Habraaca loo maro gelidda heshiisyada ay Dowladdu dhinaca ka tahay si waafaqsan Sharciga kor ku xusan iyo Xeer Lr 047 ee soo baxay 06/12/2018, waxa uuna ku wargalinayaa ama la socodsiinayaa Hay'adaha ay warqadani sida tooska ah ugu socoto iyo kuwa ogeysiinta ku leh in heshiiska la sheegay inay wada galeen Wasaaradda Hawlaha Guud Dib u Dhiska iyo Guryaynta iyo Ayaan Hospital oo lagu sheegay in uu Xafiiska Garyaqaanka Guud uu qeyb ka yahay diyaarintiisa inay tahay arrintaasi mid been-abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, Sidaa darteed, heshiiska kor ku xusan waa Heshiis aan saamayn sharci lahayn oo waxba kama jiraan ah, maadaama uu ka hor-imaanayo Shuruucda Dalka iyo Danta Guud.